Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo kormeer ku maray qeybo kamid ah magaalada Kismaayo

0
138
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa  kormeer ku maray qeybo kamid ah magaalada Kismaayo, isagoo u kuurgalay xaaladda guud ee magaalada.
Madaxweynaha ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada ka dhageystay aragtiyo iyo talooyin kala duwan, wuxuuna ku bogaadiyay shacabka doorka ay ka qaadanayaan nabadda, xasilloonida iyo horumarka Jubaland.