
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa waxaa safarkiisa ku weheliyay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Jubbaland, waxaana banaanka degmada kusoo dhaweeyay maamulka degmada Luuq, maamulka gobolka Gedo, saraakiisha ciidamada Jubbaland, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada.
Safarkan ayaa qayb ka ah socdaallo uu Madaxweyne Ku-xigeenku muddooyinkii u dambeeyay ku tegayay degmooyin kala duwan oo ka tirsan gobolka Gedo, kuwaas oo la xiriira xoojinta nabadda, wadajirka bulshada, iyo dardargelinta howlaha maamulka.
Inta uu ku sugan yahay degmada Luuq, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubbaland ayaa la filayaa inuu furo shirka dib-u-heshiisiinta bulshada reer Luuq, iyadoo shirkan looga gol leeyahay xoojinta wada noolaanshaha, midnimada bulshada, iyo xal u helidda khilaafaadka jira.
Masuuliyiinta degmada iyo qaybaha bulshada ayaa soo dhaweeyay booqashada Madaxweyne Ku-xigeenka, iyagoo ku tilmaamay mid muhiim u ah horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







