Wasiir Cadar Ismaaciil oo Goobweyn Qado Sharaf ugu Sameysay Haween ka socday Puntland oo booqashada ku Jooga Magaalada Kismaayo

0
174
Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Jubbaland, Marwo Cadar Ismaaciil, ayaa deegaan dalxiiseedka Goobweyn qado sharaf ugu sameysay xubno ka tirsan Haweenka Puntland oo booqasho ku jooga Jubbaland.
Haweenkan ayaa qeyb ka ahaa shir muhiim ah oo diiradda lagu saaray doorka hay’adaha dowladda ee wax ka qabashada rabshadaha ku saleysan jinsiga iyo ilaalinta xuquuqda carruurta.
Munaasabadda qado-sharafta ah ayaa ahayd mid lagu xoojinayay iskaashiga iyo wada-shaqeynta haweenka labada dhinac, iyadoo martida lagu bogaadiyay kaalinta ay ka qaadanayaan horumarinta arrimaha bulshada iyo difaaca xuquuqda haweenka iyo carruurta.
Wasiirka ah waxaa munaasabaddan ku weheliyay Guddoomiyeyaasha Ururrada Haweenka ee Jubbaland.