Wasaaradda Tamarta Jubbaland oo Kismaayo ku qabatay kulan lagu horumarinayo nidaamka(Public Private Partnership)iyo adeegyada biyaha

0
223
Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland ayaa Kismaayo ku qabatay kulan looga hadlayey nidaamka lahaanshaha wadajirka ah ee dawladda iyo dadweynaha (Public Private Partnership) iyo horumarinta adeegyada biyaha, si loo helo qorshe mideysan.
Shirkan oo uu xariirinayey Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Biyaha Jubaland, Mudane Mohamed Nunow ayaa waxaa si rasmi ah u furay Ahmed Hussein Baraki, Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland.
Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Jubaland waxay si weyn uga shaqeynaysaa sidii loo dhiirrigelin lahaa shirkadaha bixiya adeegyada biyaha inay maalgashi ku sameeyaan sector-ka biyaha.