Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo Xustay Maalinta Caalamiga ah ee Umulisooyinka Adduunka.

0
184
Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay xuska  Caalamiga ah ee Umulisooyinka Adduunka (World Midwifery Day).
Munaasabadda oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland iyo Ururka Soma (Somali Midwifery Association).
Mas’uuliyiintii ka soo qayb galay munaasabadda oo goobta hadal ka jeediyey, ayaa si weyn uga sheekeeyey kaalinta ay umulisooyinku ku leeyihiin bulshada.
Waxaana munaasabadda ka soo qayb galay Madaxa Taranka Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka Marwo Najmo Cabdikadir, Isku-duwaha Caafimaadka Gobolka Jubbada Hoose Cabdirisaaq Jaamuus, Fartuun Cabdulqaadir Shariif oo ka socotay ururka SOMA,Maamulaha Machadka Umulisooyinka Jubbaland Xamda Yuusuf, wakiillo ka kala socday hay’adaha, iyo ardayda iskuulka tababarka umulisooyinka ee Wasaaradda Caafimaadka.
Sanad walba maanta oo kale, adduunka waxaa laga xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Umulisooyinka, iyadoo lagu dhiirrigelinayo umulisooyinka u adeega hooyada iyo dhallaanka, kuwaas oo duruufo kala duwan ugu shaqeeya shacabkooda.