
Agaasimaha Waaxda Horumarinta Adeegga Waxbarashada Mudane Mukhtaar Cabdi Cusmaan ayaa booqasho shaqo ku tagay dugsiga Lugloow, halkaas oo looga wada hadlay ahmiyadda uu mashruuca quudinta u leeyahay ardayda, gaar ahaan xilligan ay bulshada la daalaa dhacayso saameynta taban ee isbeddelka cimilada.
Wasaaradda ayaa ballan qaaday in ay sii xoojin doonto dadaallada lagu taageerayo ardayda nugul, iyadoo la kaashanaysa hay’adda WFP, si loo hubiyo in ardaydu ay sii joogteeyaan waxbarashada inta mashruucu socdo, isla markaana loo ballaariyo adeegga quudinta dugsiyada aan weli ka faa’iidaysan.
Booqashada waxaa qeyb ka ahaa wafdi uu hogaminaayo madaxa xafiiska Kismaayo ee WFP Stephen Moseray waxaana kormeerka uu ahaa mid diiradda lagu saaray dabagal iyo qiimeyn sare oo ku saabsan hirgelinta mashruuca quudinta.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







