Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo Kismaayo ku Qabatay Munaasabad Lagu Xusay Maalinta Duumada Adduunka.

0
167
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusay Maalinta Duumada Adduunka, taas oo sanad walba laga xuso dunida oo dhan.
Munaasabadda oo ka dhacday Kismaayo ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin oo ay ka mid ahaayeen kusimaha Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Bulshada ahna Madaxa Wacyigelinta Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland, Isxaaq Bashiir, Iskuduwaha Caafimaadka Gobolka Jubbada Hoose Cabdirisaaq Jaamus, kusimaha Madaxa Duumada Fartuun, shaqaalaha xarumaha caafimaadka, saraakiil ka tirsan Wasaarada iyo marti sharaf kale.
Kulankan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista wacyiga bulshada ee ku aaddan ka hortagga iyo la dagaallanka cudurka Duumada, maadaama uu weli yahay xanuun halis ku ah nolosha bulshada, gaar ahaan carruurta iyo haweenka uurka leh.
Mas’uuliyiintii ka hadashay munaasabadda ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in bulshada la gaarsiiyo farriimo caafimaad oo sax ah, isla markaana la xoojiyo dadaallada lagu ciribtirayo Duumada, iyadoo la adeegsanayo tallaabooyin ka hortag ah sida isticmaalka maro kaneecada, nadaafadda deegaanka, iyo helitaanka adeegyo caafimaad oo degdeg ah.
Ugu dambeyn, munaasabaddan ayaa noqotay mid sare u qaadday fahamka bulshada ee halista cudurka Duumada iyo doorka ay qof walba ka qaadan karo ka hortaggiisa.