
Agasimaha Isku-xirka Gobolada ee Wasaaradda Deegaanka & Isbeddelka Cimilada Dowladda Jubaland, Mudane Cabdiqani Salaad Maxamed, oo uu weheliyo Madax Qaybeedka Horumarinta Dhirta iyo Xarumaha Dhir-beerista, Mudane Maslah Mowlid Maxamed, ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo looga hadlayay ka hortagga fatahaadaha iyo xal u helidda dhibaatooyinka la xiriira.
Shirkan oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu yaraynayo saameynta fatahaadaha, loona heli lahaa xalal waara oo wax ku ool ah.
Intii uu socday shirka, waxaa sidoo kale la isla falanqeeyay muhiimadda iskaashiga hay’adaha dowladda iyo bulshada si loo xakameeyo khataraha fatahaadaha iyo isbeddelka cimilada.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







