
Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Qoyska oo Kormeer ku Tagay Xarumo Caafimaad oo ku Yaalla Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose.
Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubaland, Mudane Dr. Maxamed Bashir Nur, oo uu wehliyo Iskuduwaha Caafimaadka Degmada Dhoobley, Dr. Cabdifitaax Ahmed Mohamed, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay qaar kamid ah xarumaha caafimaadka ee degmada Dhoobley.
Ujeeddada booqashadan ayaa ahayd in si dhow loogu kuurgalo xaaladda adeegyada caafimaad ee laga bixiyo xarumahaasi, iyadoo diiradda la saaray qiimeynta tayada adeegyada, xaaladda shaqaalaha, iyo baahiyaha jira.
Intii uu socday kormeerka, mas’uuliyiintu waxay dhageysteen warbixinno ay soo jeediyeen maamulka iyo howl-wadeennada xarumaha, kuwaas oo la xiriiray caqabadaha jira iyo horumarka laga sameeyay adeegyada caafimaadka.
Ugu dambeyn, Agaasimaha ayaa bogaadiyay dadaalka shaqaalaha caafimaadka ee ka howlgala xarumaha degmada Dhoobley, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan adeegyada ay bulshada u hayaan, si loo hubiyo gaarsiinta adeegyo tayo leh oo joogto ah.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







