
Mas’uuliyiin iyo injineero ka socday Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland, ayaa kulan la yeeshay qaar kamid ah madaxda hay’adda UNICEF Somalia, iyagoo ka wada hadlay horumarinta iyo dardargelinta mashaariicda biyaha ee ka socda deegaanada Jubaland, gaar ahaan Gobolka Gedo.
Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray mashaariicda muhiimka ah ee gobolka ka socda, oo ay kamid yihiin R-WASH iyo R-MAR ee degmada Doolow, kuwaas oo door weyn ka qaadanaaya xoojinta helitaanka biyo nadiif ah iyo kor u qaadista kaabeyaasha biyaha.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay kor u qaadista tayada mashaariicda, la socodka iyo qiimeynta fulinta howlaha, iyo hubinta iyo joogtaynta adeegyada biyaha, si loo xaqiijiyo in adeegyadaasi ay si wax ku ool ah uga jawaabaan baahiyaha bulshada

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







