
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubbaland oo ay wehliyaan Iskuduwaha caafimaadka Gobolka Jubada Hoose Cabdirisaaq Jaamus iyo Isku-duwaha caafimaadka degmada Kismaayo Maxamed Sheekh Aadan ayaa booqday xarunta caafimaadka ee Waamo.
Booqashada ayaa daarneed u kuurgalidda shaqada ka socota xarunta iyo sida loogu adeego dadka u baahan adeegyada caafimaad.
Mas’uuliyiinta ayaa mid mid u kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta, iyagoo warbixinno ka dhageystay howl-wadeennada caafimaadka ee ka howlgala xarunta Waamo, si ay u qiimeeyaan tayada adeegyada la bixiyo iyo baahiyaha jira.
Agaasimaha Guud ayaa ku ammaanay shaqaalaha dadaalka ay muujiyeen, isaga oo ku dhiirrigeliyay in ay sii laba jibbaaraan howlahooda si bulshada loo gaarsiiyo adeeg caafimaad oo tayo leh. Sidoo kale waxa uu xusay in Wasaaradda Caafimaadka Jubaland ay ka go’an tahay xoojinta xarumaha caafimaadka iyo horumarinta adeegyada caafimaad.
Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta ayaa ballan qaaday in wax laga qaban doono caqabadaha jira iyo baahiyaha ay soo bandhigeen shaqaalaha iyo bulshada, si loo hubiyo helitaanka adeeg caafimaad oo joogto ah oo tayo sare leh.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







