Booliska Dhoobley oo howlgal ku qabtay dad ka ganacsanayay maandooriye.

0
218
Ciidanka Booliska Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa howlgal ay sameeyeen ku soo qabtay dad lagu eedeeyay inay ka ganacsanayeen maandooriye.
Ciidamada oo horey u hayay xog muujineysa in qaar kamid ah xaafadaha magaalada lagu iibiyo maandooriyaha, gaar ahaan xashiishka, Waxaa suuragashay inay gacanta ku dhigaan labadaasi qof.
Saraakiisha booliska ayaa warbaahinta u sheegay in cid kasta oo lagu soo qabto falalka la xiriira maandooriyaha la horgeyn doono maxkamaddaha.