Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland oo Soo Bandhigtay Waxqabadka Mashruuca Dowladda Gaab iyo Guulaha Laga Gaaray

0
202
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta martigelisay kulan weyn oo lagu oo bandhigayay waxqabadkii Mashruuca Dowladda Gaab, oo ah mashruuc horumarineed oo muhiim u ah bulshada.
Kulankan ayaa lagu soo bandhigay Waxyaabihii ka qabsoomay mashruuca, Caqabadihii jiray, Guulihii la gaaray iyo Qaababka loo xalliyay caqabadaha.
Shirkan muhiimka ah waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, Mudane Cabdiwaxiid Maxamed Dhaqane, Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Guddoomiye ku-xigeenka Degmada, iyo wakiillo ka kala socday hay’adaha UNDP, UNICEF, UN-Habitat, iyo Safaaradda Sweden.
Intii uu kulanku socday, waxaa lagu soo bandhigay warbixino faahfaahsan oo ku saabsan mashruuca iyo guulaha la taaban karo ee laga gaaray hirgelintiisa.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Jubbaland waxay mar kale adkeynaysaa ka go’naanteeda ku aaddan horumarinta bulshada iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha kala duwan.