Madaxweyne ku-xigeenka Koowad ee Jubbaland ayaa booqday Ciidamada qalabka sida eeku sugane Degmada luuqa ee Gobalka Gedo

60
Madaxweyne ku-xigeenka Koowad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa booqday Ciidamada qalabka sida ee degmada luuq ku sugan.
Madaxweyna ku-xigeenka, Xildhinaabada, Maamulka Gobalka Gedo iyo kan degmada luuq oo ciidamada u jeediyay khudbad isugu jirtay dardaaran, dhiirri-galin iyo guubaabo ayaa u sheegay rajada dowladda iyo shacabka Gobalka Gedo ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka gabagabada maraya ee deegaanka lagaga xoreynayo argagixisada.
Sidoo kale, Madaxwayne ku-xigeenka iyo Saraakiisha ayaa xusay guulaha isdaba-joogga ah ee Ciidamada Qalabka Sida ay ka soo hoyeen howlgalka wadada Luuq iyo Doolow, isagoo tilmaamay in dowladdu ay isku barbar waddo labo qorshe oo taarikhi ah, kuwaas oo ku saleysan in gacan lagu cirib tiro argagixisada, gacanta kalena dib loogu dhiso Ciidamada darawiishta Jubbaland ee Gobalka Gedo.
Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Jubbaland ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka oo la wadaagay sida ay uga go’an tahay in ay deegaanka ay ka-dulqaadaan cadawgan curyaamiyey nolashooda, iyagoo soo bandhigay nafhurnimada iyo geesinimada ay ku tilmaaman yihiin Ciidamada Soomaaliyeed.
Ugu dambayn, Masuuliyiinta iyo Saraakiisha ayaa sheegay in degmada luuq ciidamadii ku dagalamay ee dowladda katirsana lagu celiyay dhamman qeybihii ay ka tirsanayeen.