Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland oo Ceelwaaq ku qabatay Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Hoggaaminta iyo Wadahadalka Loo Dhan Yahay

0
194
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland ayaa degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ku qabatay aqoon isweydaarsi laba maalmood ah oo ku saabsan xirfadaha hoggaaminta iyo ka qaybgalka wax ku oolka ah ee wadahadalka loo dhan yahay.
Kulankaan waxaa goob joog ka ahaa maamulka degmada Ceelwaaq iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata horumarinta nabadda iyo wada noolaanshaha.
Intii uu socday aqoon isweydaarsiga waxaa diiradda lagu saaray, Fahamka hoggaanka, Horumarinta xirfadaha isgaarsiinta, Ka-qaybgalka wadahadallada loo dhan yahay, Xalinta khilaafaadka
Aqoon isweydaarsigan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hoggaan wax ku ool ah iyo dhisidda bulsho wadajir u shaqeysa.