
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland mudane Faarax Mukhtaar Daa’uud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda UN Women.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada horumarinta bulshada, taageerada Haweenka, iyo mashaariicda horumarineed.
Sidoo kale, Wasiir Ku-Xigeenka ayaa ka warbixiyay muhiimadda uu kulankani u leeyahay horumarinta wada shaqeynta iyo dardar-gelinta qorshayaasha horumarineed ee ka socda Jubbaland.
Dhankooda wafdiga UN Women ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Qorsheynta sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta wada shaqeynta mustaqbalka.



![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







