Wasaarada Gargaarka Jubbaland oo Deeq Raashin ah Gaarsiisay 1,000 Qoys oo Abaartu Saameysay Degmada Dhoobley

0
226
Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubbaland mudane Cabdirahmaan Maxamed Dhiriq oo waheliyo wasiirka wasaaradda Biyaha dowllada Jubbaland Mudane Axmed Xusseen Baraki ayaa deeq raashin ah gaadhsiisay 1000 qoys oo ka mida dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku nool degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose.
Deeqdaan Raashinka ah ayaa waxaa bixisay dowllada Imaaradka carabta si loogu caawiyo bulshada nugul ee abaaraha ay saameeyeen.
Raashiinka la qaybiyay ayaa isugu jiray bur, bariis, sokor iyo saliid, iyadoo si gaar ah loo hubiyay in la gaarsiiyo qoysaska ugu baahida badan. Mas’uuliyiinta goobta ka hadlay ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo gargaarka bani’aadamnimo, gaar ahaan xilliyada ay adag yihiin xaaladaha nololeed ee bulshada