Madaxweynaha dowladda Jubbland Oo Ka Tacsiyeeyay geerida ku timid Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta Jubaland

0
160
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta Jubaland, Marxuum Cabaas Xaaji Cabdullaahi.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu ahaa shaqsi howlkar ah oo muddo dheer kusoo jiray shaqada dowladnimada, isla markaana door muhiim ah ka qaatay horumarinta hanaanka dowlad-dhiska Jubaland.
Madaxweynaha Dowladda Jubaland ayaa Alle uga baryay Marxuumka inuu ku abaalmariyo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskii, ehelkii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Jubaland ee uu ka baxay.
Aaaamiiin.