Agaasimaha Guud ee wasaradda Maaliyadda Jubbaland oo daahfuray aqoon-is-weydaarsi lagu xoojinayo habraacyada miisaaniyadda dalka

0
147

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Jubbaland, Nuur Cumar Shaale, ayaa magaalada Kismaayo ka daahfuray aqoon-is-weydaarsi looga hadlayo xoojinta iyo isku-dubaridka hab-raacyada miisaaniyadda dalka.

Aqoon-is-weydaarsigan muhiimka ah, oo u dhexeeya waaxaha miisaaniyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (DXDFS), ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin kala duwan,Shirka waxaa soo qabanqaabisay hay’adda FCDO, gaar ahaan mashruuca PFRC.

Ujeeddada aqoon-is-weydaarsigan ayaa ahayd xoojinta iskaashiga iyo isku-dubaridka joogtada ah ee u dhexeeya DFS iyo DXDFS, si loo mideeyo hab-raacyada miisaaniyadda dalka.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah horumarinta nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya, isla markaana lagu gaari karo hannaan miisaaniyadeed oo mideysan oo waafaqsan heer qaran.