Wasaaradda Awqaafta dowladda Jubbaland oo ka hadashay anshaxa bulshada iyo xijaabka, kana soo saartay digniin

0
150

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Jubbaland ayaa qabatay kulan ay yeesheen Guddiga Culimada Jubbaland iyo Wasaaradda, kaas oo maanta ay goob-joog ka ahaayeen laamaha amniga Jubbaland.

Kulankan oo uu shir-guddoominayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Aadan Faarax Gaarane, ayaa qodobadii lagaga hadlay waxaa ka mid ahaa: anshaxa iyo dhowrsanaanta gabdhaheenna mu’minaadka, xijaabka, waxa diintu ka qabto in ragga iyo dumarku ay kubadda wada ciyaaraan, ka hortagga goobaha munkarka lagu sameeyo, iyo qodobo kale.

Gabagabadii shirka ayaa laga soo saaray bayaan lagu caddeynayo waxa ay shareecadu ka qabto qodobadaas, iyo digniin ku socota cid kasta oo lagu arko anshax-xumo dhexdeeda bulshada.