Ciidamada Daraawiishata dowladda Jubbaland iyo Danab oo howlgal qorsheysan ku beegsaday Maleeshiyaad ku dhuumaaleysanayay deeganka Qombi

0
153

Ciidamada Daraawiishta dowladda Jubbaland iyo kumaandooska Danab ayaa aroortii hore ee saaka fuliyay howlgal militari oo qorsheysan, kaas oo ka dhacay deegaanka Qombi, oo qiyaastii 30 km u jira Janaa Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkan ayaa yimid kaddib markii la helay xog sirdoon oo sugan, taas oo muujinaysay in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay ku dhuumaaleysanayeen deegaankaasi, isla markaana qorsheynayeen falal amni darro.

 Ciidamada ayaa weerarka ku qaaday si kedis ah, iyagoo adeegsaday duqeymo bartilmaameed ah oo lagu garaacay fariisimihii ay maleeshiyaadku ku sugnaayeen, ka dibna ciidanka dhulka ayaa si toos ah ula wareegay goobahaas.

Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa sidoo kale fuliyay howlgallo miino baaris iyo burburin ah, iyagoo fashiliyay miinooyin ay maleeshiyaadku ku aaseen waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah, taas oo khatar weyn ku haysay shacabka iyo gaadiidka isticmaala deegaanka.

 Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in maleeshiyaadkii la jabiyay lagana saaray goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen, isla markaana la burburiyay sahaydii iyo saldhigyadii ay halkaasi ku lahaayeen.

Saraakiisha ayaa sheegay in howgalka jab xooggan lagu garsiyay maleeshiyaadka khawaarijta isla markaan wali sii wadaan baacsiga maleeshiyadka

Howlgalkan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xasilinayo gobolka Jubbada Hoose, iyadoo diiradda la saarayo deegaanada ay weli ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka,