Wafdigauu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Dowladda Jubbaland oo Gaaray Afmadow si ay Gargaar u Gaarsiiyaan Dadka Abaartu Saameysay

0
133
Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Jubbaland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Dhiriq, oo ay wehliyaan Wasiirka Wasaaradda Biyaha, Mudane Axmed Xuseen Baraki), iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka, Mudane Mohamed Osman Jama, ayaa safar shaqo ku gaaray Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbaland.
Masuuliyiinta degmada Afmadow iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa wafdiga si diiran ugu soo dhoweeyay.
Ujeedada safarka ayaa ahayd qeybinta deeq raashin ah oo dowladda Jubbaland gaarsiisay dadka ay abaartu saameysay ee ku nool degamada Afmadow.
Wafdiga ayaa inta uu halkaas joogo waxa ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan maamulka degmada iyo waxgaradka magaalada.
Dowladda Jubbaland ayaa mudooyinkii dambe waday dadaallo lagu garab istaagayo dadka ay abaaruhu saameeyeen, iyada oo qayb ka ah qorshayaal waaweyn oo loogu gurmanayo shacabka.