0
112

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowlad Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo tababar muhiim ah ugu qabatay qaar ka mid ah ciidamada booliska ee ka howlgala saldhigyada booliska ee gobolka Jubbada Hoose.

Tababarkan ayaa ujeedkiisu ahaa kor u qaadista xirfadaha iyo aqoonta ciidanka ee la tacaalidda tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta, si ay si hufan ugu adeegaan bulshada.

Munaasabadda tababarka waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha, Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal), Agaasimaha Wasaaradda, qaar ka mid ah shaqaalaha waaxyaha kala duwan ee wasaaradda, hoggaanka booliska, iyo qeybta xiriirka bulshada ee gobolka Jubbada Hoose.