Maamulka degmada Dhoobley oo si weyn u bogaadiyey waxqabadka gudiga gurmadka abaaraha ee degmada, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay gurmadka dadka ay saameeyeen abaaraha

0
210
Maamulka degmada Dhoobley ayaa si weyn u bogaadiyey waxqabadka gudiga gurmadka abaaraha ee degmada, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay gurmadka dadka ay saameeyeen abaaraha iyo isku dubaridka howlaha samafalka.
Munaasabad lagu qabtay xarunta degmada Dhoobley, oo ay kasoo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa lagu muujiyey sida gudigu uga go’an tahay u adeegidda bulshada, gaar ahaan xilliyada adag. Mas’uuliyiinta degmada ayaa tilmaamay in gudigu si hufan oo daacadnimo leh u gutay waajibaadkooda, isla markaana ay si wanaagsan u maareeyeen howlaha gurmadka.
Ugu dambeyn, maamulka degmada iyo bulshada ayaa ku booriyay gudiga inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda, si loo yareeyo saameynta abaaraha loona xoojiyo taageerada loo fidinayo dadka nugul.