Dowladda Jubbaland oo 1,000 qoys oo abaartu saameysay gaarsiisay deeq raashin ah deegaanka Yurkud ee Gobolka Gedo

0
274
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubaland ayaa 1,000 oo qoys oo ku nool deegaanka Yurkud oo hoostaga Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, kuwaas oo ay saameysay abaarta dalka ka jirto gaarsiisay deeq raashin ah oo ka kooban bur, bariis, saliid iyo sonkor, waxaana loogu talagalay in lagu taageero dadka nugul ee ay abaartu saamaysay.
Deeqdaani raashinka ah oo qeyb ka ah mashruuca raashin qeybinta 12,000 oo qoys oo ku kala nool deeganada iyo degmooyinka Jubbaland, ayaa waxaa soo dhiibtay dowlada Imaaraadka Carabta, oo ay wakiil ka tahay hay’adda Khaliifa Foundation.
Maamulka deegaanka Yurkud ayaa dowlada Jubbaland iyo Walaalaha Imaaradka Carabta uga mahadceliyay deeqdaani rashinka ah.
Guud ahaan, gurmadka abaaraha ee ay wado dowada Jubaland, gaar ahaan Wasaaradda Gargaarka, ayaa si xawli ah uga socda deegaannada iyo degmooyinka Jubaland, iyadoo la qorsheynayo in la gaarsiiyo deegaannada harsan ee aan wali la gaarin.