Gudoomiyaha Degmada Doolow oo qaabilay Wafti ay hogaamineysay Agaasimaha Guud ee hay’adda UNICEF.

0
195
Gudoomiyaha Degmada Doolow Mohamed Hussein Abdi lafeey ayaa  qaabilay Wafti ay hogaamineysay Agaasimaha Guud  hay”ada cunada Aduunka ee UNICEF Catherine Russell, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada horumarinta adeegyada bulshada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha muhiimka ah sida Horumarinta waxbarashada carruurta, Daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, Nafaqada iyo badbaadada carruurta iyo Taageerada barnaamijyada bini’aadantinimo ee ka socda deegaanada Degmada Doolow.
Gudoomiyaha ayaa uga mahadceliyay UNICEF taageerada ay siiso bulshada, gaar ahaan carruurta iyo haweenka, wuxuuna xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada shaqeynta si loo gaaro horumar waara.
Dhankiisa, Madaxda UNICEF ayaa ballanqaaday in hay’addu sii wadi doonto taageerada ay ka geysaneyso adeegyada aas-aasiga ah iyo horumarinta mustaqbalka carruurta Doolow.
Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Gudoomiye Kuxigeenka kowaad Aadan Barre Ali, Afhayeenka Gobalka Gedo Ali Yussuf Abdullahi, Taliye kuxigeenka Gobalka Gedo Ali Hassan Deer iyo Madaxa mashariicda iyo xiriirka Hay’addaha Doolow Abdiqani Hassan Uumiye.