
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland, oo kaashanaysa Guddiga Gurmadka Abaaraha, ayaa bilowday qaybinta gargaar noocyo kala duwan leh oo loogu talagalay 12,000 oo qoys.
Gargaarkan ayaa waxaa deeqday Dowladda Imaaraadka Carabta, si loogu caawiyo dadka ay abaartu saameysay ee ku nool deegaanada Jubbaland.
Deeqdan raashinka ah, oo ka kooban bur, bariis, saliid iyo sonkor, ayaa waxaa si rasmi ah u daahfuray Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka dowladda Jubbaland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Dhiriq. Ujeeddada gargaarkan ayaa ah in lagu taageero qoysaska nugul ee ay saameynta abaartu si weyn u gaartay.
Qaybinta gargaarka ayaa manta laga bilaabay magaalada Kismaayo, waxaan la gaarsiiyay 3,000 oo qoys.
Sidoo kale, deegaanka Yurkud ee degmada Luuq, gobolka Gedo, ayaa la gaarsiiyay 1,000 oo qoys oo ka mid ah dadka ay abaartu saameysay.
Gargaarkan ayaa la qorsheeyay in la gaarsiiyo dhammaan deegaanada Jubbaland ee ay abaartu sida daran u saameysay.
Ugu dambeyn, Dowladda Jubbaland waxay uga mahadcelinaysaa Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Jubbaland.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







