
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowlada Jubaland ayaa qabatay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Qaaxada Adduunka, oo sannad kasta laga xuso dalalka caalamka si kor loogu qaado wacyiga bulshada iyo dadaallada lagula dagaallamayo cudurka qaaxada (TB).
Munaasabadda waxaa si rasmi ah u daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Jubaland, Maxamed Xuseen Maxamed, iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada ee Jubaland, Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed, Madaxa Qaaxada iyo HIV/AIDS, Dr. Axmed Casayr, iyo xubno ka tirsan bahda caafimaadka ee heerar kala duwan.
Intii lagu guda jiray kulanka, waxaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay xoojinta dadaallada ka hortagga iyo daaweynta cudurka qaaxada, iyo sidoo kale kor u qaadista wacyiga bulshada si loo yareeyo faafitaanka cudurka.
Mas’uuliyiintu waxay xuseen in qaaxadu ay tahay cudur laga hortagi karo isla markaana si fudud loo daaweyn karo haddii si degdeg ah loo ogaado. Waxay sidoo kale ku baaqeen in bulshada ay si firfircoon uga qeyb qaadato dadaallada lagu ciribtirayo cudurka.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Caafimaadka Jubaland ayaa ku boorrisay dhammaan shacabka inay qaataan doorkooda ku aaddan ka hortagga qaaxada, iyagoo raacaya talooyinka caafimaad, si loo gaaro yoolka ah in gebi ahaanba la ciribtiro cudurka qaaxada.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







