Wasiirka Deegaanka Jubbaland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Lagu Qiimeeyay Waxqabadka iyo Caqabadaha Wasaaradda

0
143

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jubbaland, Caydiid Suleymaan Xaashi, ayaa shir guddoomiyay kulanka billaha ah ee masuuliyiinta iyo howlwadeennada Wasaaradda, kaas oo diiradda lagu saaray waxqabadka waaxyaha, caqabadaha jira iyo casharrada laga baran karo.

Wasiirka ayaa sidoo kale dhageystay warbixinno ku saabsan shaqooyinka la qabtay iyo cabashooyinka jira, halka agaasimayaasha waaxyuhu ay si faahfaahsan uga warbixiyeen waxqabadkooda iyo caqabadaha haysta.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ku booriyay dhammaan masuuliyiinta iyo howlwadeennada inay dardar geliyaan waajibaadkooda isla markaana kor u qaadaan adeegyada ay bulshada u hayaan.