Midowga Yurub oo Ka digay Colaadda uu Xasan Sheekh Ka hurinayo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

0
183

Midowga Yurub (EU) ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Walaacan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo saameyn kara xasilloonida guud ee dalka oo kooxada xasan sheikh ay ka wadaan koonfur Galbed soomaaliya
Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegtay in xaaladda taagan ay u baahan tahay xal degdeg ah oo ku saleysan wada hadal iyo is afgarad. Waxay carrabka ku adkeysay in aan loo baahnayn tallaabooyin sii hurin kara xiisadda, balse loo baahan yahay In la furo wadahadallo toos ah oo dhexmara labada dhica.
Midowga Yurub ayaa aaminsan in wada hadal dhab ah uu yahay waddada kaliya ee lagu gaari karo xal waara ayaa lagu yiri qoraal ay soo dhigatay barteeda X Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya
Baaqa Midowga Yurub ayaa kusoo aaday xilli kooxada Xasan sheikh maxamuud ciidank xoogga dalka diyarado ku gaysanaya dagmooyin ka mid ah koonfur galbeed si qalqal loo galiyoo nabada iyo xasiloonida koonfur galbeed Soomaaliya .
Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta xasilloonida, nabadda iyo dowladnimadeeda reer kpoonfur galbeed .