
Ciidamada Booliska Jubaland ee degmada Dhoobley ayaa sameeyay hawlgallo lagu baacsanayo dadka ka ganacsada maandooriyaha noocyadiisa kala duwan, iyadoo laga fuliyay qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada.
Intii uu socday hawlgalku, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay tiro dad ah oo lagu eedeeyay ka ganacsiga maandooriyaha, sidoo kale waxaa la soo qabtay qaar ka mid ah dadka isticmaalayay. Waxaa la helay xashiish, Khamri iyo maandooriye kale oo ay wateen dadka la qabtay.
Saraakiisha Booliska waxay sheegeen inay wali ku raad joogaan qaar ka mid ah dadka lagu tuhunsan yahay ka ganacsiga maandooriyaha ee baxsadka ah.
Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah dadaallada ay ciidamada ammaanku ku xoojinayaan la dagaallanka maandooriyaha iyo ka hortagga saameynta uu ku leeyahay bulshada, iyadoo la doonayo in la yareeyo dhibaatooyinka caafimaad, amni, iyo bulsho ee ka dhasha maandooriyaha.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







