Magaalada Naivasha ee dalka Kenya haweeney ku nool oo lagu eedeeyay in ay dishay afar carruur ah oo ay iyadu dhashay ayaa sheegtay in arrintaasi ay ku riixeen shayaadiin uu usoo adeegsaday nin ay saaxiibo ahaan jireen, taasoo ku kaliftay in ay falkan ku kacdo.
Beatrice Mwende oo da’deedu ay tahay 42-sano jir ayaa sheegtay in nafteeda la xukumayay welina ay aaminsantahay in dilalkaasi ay ahaayeen riyo xun oo ay ku jirtay, waxayna dhinaca kale ku eedeeysay saaxiibkeedii hore in uu masuul ka yahay dhimashadaasi.
Mwende ayaa sheegtay in ay dareemeeyso xanuun islamarkaana aysan xamili Karin in ay u dulqaadato wixii dhacay.
Hooyadan dhashay lixda carruurta ah ayaa ka sheekeeysay sida ay dilalka carruurta u fulisay ayadoo mid mid u dileeysay afarteeda carruur habeenkii jimcaha kahor inta aysan seexan sariirteeda.
Mwende oo ahayd macalimad bixisa maadada xisaabta oo sidoo kale lasoo shaqeeysay ururro aan dowli ahayn oo ka howlgala magaalada Naivasha ayaa raaligelin ka bixisay falkii ka dhacay, waxayna alle ka bariday in uu u naxariisto, ayadoo sheegtay in aysan waxba ka ogeyn sida ay wax u dhaceen.
“Nin hore oo aan is shukaansan jirtay balse aan kala harnay ayaa ii adeegsaday awoodo uu nafteeyda ku maamuli karo, isla maalintaana awoodihii uu ii adeegsaday ayaa igu kalifay in aan dilo afarteeyda carruur,” ayay tiri.
“Waxaan rajeeynayaa in waxan oo dhan ay noqdaan riyo xun oo aan arkay oo aan ka tooso dibna aan u helo carruurteeyda oo caafimaad qabta, maxaa yeelay weligay kuma fakarin in aan cid dhib u geeysto xitaa taqsi ha noqdee,” ayay hadalkeeda raacisay ayadoo ilmeeyneysa.
Carruurta ay hooyadan dishay ayaa lagu magacaabaa Warigia oo sided jir ah, Willy Macharia oo lix jir ah labaduba waxay ahaayeen ardey wax barata, labada kalena waxay kala ahaayeen Samantha Njeri oo afar jir ah iyo Whitmey Nyambura oo laba sano jir ah.
Booliska Naivasha ayaa loo ogolaaday in ay haweeneydani hayaan mudo todobo maalmood ah inta ay kasoo dhameystirayaan baaritaankooda, waxaan boolisku ay haweeneyda xabsiga dhigeen saacado kadib markii ay dilalka geysatay, ayadoo boolisku ay warbaahinta u sheegeen in ay weli u harsanyihiin baaritaanno la xiriira arrintan.
Hooyadan carruurteeda dishay ayaa sheegtay in 26-ka bil walba ay soo weeraraan shayaadiin, kuwaasoo ay sheegtay in ay ku amraan in ay sameeyso waxyaalo aan macquul ahayn. Ayadoo ooyneeysa ayay cafis weeydiisatay Alle iyo ehelkeeda.