
Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Nabadoon Hire Dhiire Ibraahim oo lagu dilay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in marxuumku ahaa nabadoon, caaqil iyo samafale door weyn ka qaatay nabadeynta, mideynta bulshada iyo xalinta khilaafaadka, isagoo muddo dheer u taagnaa isku soo dhaweynta bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale wuxuu Alle uga baryay inuu marxuumka ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka Jubbaland ee uu ka baxay.
Ugu danbeeyn Madaxweyne xigeenka ayaa intaa ku daray inuu aad uga xun yahay xaaladaha amni ee kasoo cusboonaaday degmada Beled-Xaawo iyo dilalka loo geysanayo haldoorka bulshada, kuwaas oo khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida deegaanka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







