Tirada barakacayaasha Soomaaliya oo korodhay sababo ay ugu weyntahay colaadaha soo cusboonaaday

457

Warbixin ICRC:

Dagaallada ka soo cusboonaaday Soomaaliya ayaa sababay in boqollaal kun oo qoys ay ka barakacaan guryahooda tan iyo bilowgii sanadkan, waana sababta ugu weyn ee keentay in dalka uu hadda marayo 3.8 milyan oo qof oo barakacayaal ah.

Colaadaha  ayaa sababta ugu daran ee keentay in kala bar dadka barakacay ee la diiwaangeliyay sanadkan, marka loo eego xogta Shabakadda Ilaalinta iyo La-socodka dadka soo laabanaya. 822,000 ee qof ee barokacay intii u dhaxaysay bilihii Jannaayo iyo Maarso, 429,000 oo ka mid ah waxay ahaayeen kuwo si toos ah ay u sababtay colaad. Ku dhawaad 250,000 oo qof ayaa ku barokacay abaaraha halka daadadku ay barakiciyeen qiyaastii 130,000.

“Labadii sano ee la soo dhaafay, Soomaaliya waxaa ku dhufatay abaar aad u adag. Taasina oo aad uga soo muuqatay bogagga hore ee warbaahinta caalamka. Laakiin waxa aan aragno maanta, oo mararka qaar inta badan la iska indhotiro oo aan illowno, Soomaaliya waa mid ka mid ah dalalka ay aafeeyeen colaadaha daba dheeraaday ee gobolka. Waxaana dadkii ugu badnaa ee maanta barakacay ay yihiin kuwo ka cararaya rabshadaha. Waxay ka cararayaan colaadaha,” ayay tiri Alyona Synenko, oo ah afhayeenka guddiga caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ee gobolka.

Dalka ayaa la daalaa dhacaya abaarihii ugu darnaa ee soo mara muddo sanado ah, waxaana dadkii ugu badnaa sanadkii hore ay ku qasbanaadeen in ay isaga hayaamaan guryahoodii ka dib markii ay waayeen dalagyadii iyo duunyadii. Bilowgii xilli-roobaadka oo ay weheliso jawaab-celin bini’aadantinimo oo xooggan ayaa gacan ka geysatay wanaajinta xaaladda. Si kastaba ha ahaatee, colaado iyo si gaar ah dagaaladii ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ee lagu muransan yahay ayaa sababay barakac aad u badan.

“Waxaan joognay guriga markii uu dagaalku dhacay, qof walbana wuu ka qaxay magaalada. Waxaan go’aansanay inaan sugno oo aan aragno sida xaaladdu u dhici doonto. Maalin ka dib, madfac ayaa ku dhacay saqafka guriga, intaas kadib waxaana go’aansannay inaan nafteenna la baxsanno,” ayay tiri Rooda Cabdi oo ah hooyo sagaal carruur ah haysata oo ka soo carartay gurigeeda oo ku yaalla magaalada Laascaanood.

Rooda Cabdi waxay hadda la joogtaa carruurteeda xerada barakacayaasha Tawakal ee magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, waxayna la tacaalaysaa xaalad nolol xumo oo ka jirta gurigeeda cusub.

“Shaqo ma haysanno. Iskuul ma lihin. Ma hayno caafimaad. Awood ma lihin. Sida riyaha ayaan halkan ugu xareeysannahay,” ayuu yiri Cabdi.

Iyadoo dagaalladii ka dhacay qaybo ka mid ah Sool ay sanadkan qoysaskii ugu badnaa ka barakiciyeen guryahoodii, ayaa haddana waxaa muuqata in dagaalka ay dawladda Soomaaliya iyo kooxaha kasoo horjeeda ka wadaan koonfurta iyo badhtamaha dalka ay yihiin kuwo xaaladda sii adkeeynaya. Nolosha kaamamka barakacu waa mid adag oo ay wajahayaan qoysaska ku jira, taasoo ay u dheertahay dhaawacyada nafsiga ah ee ay wajahayaan, kuwaa oo kasoo gaaray dhibaatooyinka gaaray dadkii ay jeclaayeen iyo xaaladaha adag ee ay ku noolyihin.

“Dabcan, baahiyuhu waa badan yihiin. Dadku waxay u baahan yihiin cunto. Waxay u baahan yihiin hoy. Waxay u baahan yihiin biyo nadiif ah. Laakiin sidoo kale, arrinta kale ee muhiimka ah ee aan la ilaabi Karin ayaa ah sida ay muhiimka u tahay dadka inay ogaadaan waxa ku dhacaya kuwa ay jecel yihiin. Marka ay la xiriiri waayaan oo aysan xaqiijin karin in dadka ay jecel yihiin ay badqabaan, waxay ku abuurtaa walaac badan iyo dhibaato badan,” ayay tiri Synenko.

Iyadoo gacan laga helayo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS), ku dhawaad 4,000 oo taleefan oo lacag la’aan ah ayaa la fududeeyay si loo soo celiyo isla markaana gacan looga geysto joogteynta xiriirka qoyska dadka ku barakacay dagaallada gobolka Sool. Sidoo kale, in ka badan 100 taleefoon oo bilaash ah ayaa sidoo kale la gaarsiiyay dhaawacyada guud ahaan isbitaallada Laascaanood iyo Garoowe.

Qoysasku ma rajaynayaan in ay dib ugu laabtaan guryahoodii magaalada Laascaanood marka uu dagaalku dhammaado? Faarax Yuusuf Cali oo bishii February ka qaxay magaalada, haddana ku nool deegaanka Buurawadal, bariga Sool ayaan wax rajo ah ka qabin.

“Nolosheydii hore iyo hadda farqi weyn ayaa u dhexeeya. Laakiin uma maleynayo inaan awood u yeelan doono inaan dhowaan dib ugu laabanno. Sababtoo ah haddaan Laascaanood dib ugu noqonno way adkaanaysaa in halkaa lagu noolaado. Bakhtiga xoolaha awgeed. Dadka dhintay. Guryihii burburay. Waxay u baahan tahay shaqo badan. Ma ahan in dib loo noqdo, ma fududa, ayuu yidhi.