Roob lagu diirsaday oo ka da’ay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose

0
162
Roob lagu diirsaday ayaa ka da’ay qaar ka mid ah deegaanada gobolka Jubbada Hoose, iyadoo dadka iyo xooluhuba ay si weyn ugu diirsadeen.
Roobkan ayaa ka da’ay deegaanada Hoosingow iyo Kulbiyow ee hoostaga Degmada Badhaadhe, iyo sidoo kale meelo ka mid ah Degmada Afmadow.
Guud ahaan, deegaanada Jubbaland waxaa ka jiray abaarta si weyn u saamaysay dadka iyo xoolaha, roobkan da’ayna waxa uu dadka geliyay rajo ah in xaaladda nololeed ay soo hagaagi karto haddii uu sii socdo.