Wasiir ku-xigeenka gargaarka Jubbaland oo gaaray degmada Afmadow si uu u qiimeeyo xaaladda abaarta

0
152
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Dowladda Jubbaland,Maxamad cusmaan jaamac (Jeemis) ayaa maanta gaaray degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, si uu u qiimeeyo xaaladda abaaraha ee ka jirta degmada iyo deegaannada hoos yimaada oo ay si weyn u saameeyeen abaaruhu.
Wasiir ku-xigeenka ayaa markii uu gaaray Afmadow waxaa halkaas si diirran ugu soo dhaweeyay maamulka degmada, odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha laamaha amniga.
Socdaalka wasiirka ayaa qayb ka ah dadaallada ay Dowladda Jubbaland doonayso in ay si dhow ula socoto xaaladaha bini’aadannimo ee ka jira deegaannada ay abaaruhu saameeyeen iyo ka jawaabistooda.
Inta uu ku sugan yahay Afmadow, Wasiir Ku-xigeenka ayaa la filayaa inuu kulammo kala duwan la yeesho maamulka degmada iyo qeybaha bulshada, kuwaas oo diiradda lagu saarayo xaaladda abaarta, baahiyaha degdegga ah ee shacabka, iyo sidii loo xoojin lahaa gurmadka loo fidinayo dadka ay abaartu saameysay.
Sidoo kale, wasiirka ayaa booqan doona xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla magaalada Afmadow, halkaas oo ay ku sugan yihiin qoysas badan oo ka soo barakacay deegaannadii ay daganaayeen kaddib markii ay abaaruhu si xun u sameeyn.