
Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka reer Jubbaland ayaa si adag uga hor yimid qorshaha wax ka beddelka dastuurka dalka.
Odayaashan ayaa sheegay in Dastuurkii KMG ahaa ee la ansixiyay sanadkii 2012 aan la oggolaan karin in si keligiis ah wax looga beddelo.
Odayaasha dhaqanka ayaa si gaar ah u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan kaligiis go’aan ka gaari karin wax ka beddelka dastuurka, iyagoo tilmaamay in arrintaasi u baahan tahay wadatashi qaran iyo heshiis ay wada gaaraan dhammaan qaybaha bulshada iyo dowlad-goboleedyada dalka.
Sidoo kale, odayaasha dhaqanka ayaa baaq u diray bulshada Soomaaliyeed, iyagoo ugu baaqay in la ilaaliyo midnimada iyo dastuurka dalka, isla markaana laga shaqeeyo sidii Soomaaliya looga badbaadin lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee saameyn kara xasilloonida dalka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






