Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dowladda oo qabatay shirka billaha ah ee isku-dubbaridka ilaalinta bulshada ee Jubbaland

0
162

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa qabatay shirka billaha ah ee isku-dubbaridka hawlaha ilaalinta bulshada, kaas oo ay ka soo qeyb galeen hay’adaha kala shaqeeya wasaaradda mashaariicda ilaalinta bulshada.

Shirka, oo uu guddoomiyay Agaasimaha Waaxda Ilaalinta Bulshada Mudane Maxamed Bishaar Mo’allim, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhexeysa hay’adaha iyo wasaaradda, loona dardargelin lahaa mashaariicda ilaalinta bulshada ee ka socda deegaannada Jubbaland.

Intii uu socday shirka, waxaa la soo bandhigay warbixinno ku saabsan:

  • Mashaariicda socda iyo heerarka ay marayaan.

  • Caqabadaha ay hay’adaha iyo wasaaraddu kala kulmaan fulinta mashaariicda.

  • Qorshayaasha mustaqbalka ee lagu horumarinayo adeegyada bulshada.

Agaasimaha Waaxda Ilaalinta Bulshada ayaa ku booriyay dhammaan hay’adaha ka qeyb galay shirka inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada Soomaaliyeed helaan adeegyo ilaalin bulsho oo hufan, cadaalad ah, isla markaana gaara dhammaan dadka u baahan.

Gabagabadii shirka, waxaa la isla qaatay in si joogto ah dabagal loogu sameeyo fulinta mashaariicda, si loo hubiyo in qorshayaasha iyo ballanqaadyada la gaaray ay si dhab ah u hirgalaan.