
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland iyo Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa magaalada Kismaayo ku qabtay kulankii 12aad ee billaha ah ee u dhexeeya bulshada iyo laamaha caddaaladda iyo amniga.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamad Cabdi Kaliil, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Amniga iyo Gaadiidka, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Kismaayo, Mudane Najiib Bare Salaad, Taliska Booliska, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Xildhibaano, Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Jubbada Hoose, Golaha Dhalinyarada iyo wakiillo ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada.
Intii uu socday kulanku, waxaa la is dhaafsaday warbixinno ku saabsan waxyaabihii qabsoomay iyo guulihii laga gaaray qodobadii hore, iyo sidoo kale caqabadaha weli taagan.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







