
Guddoomiyaha Degmada Doolow, Mohamed Hussein Cabdi Lafeey ayaa kulan soo dhaweyn iyo is xog-wareysi ah la qaatay wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Jubbaland iyo wasiirka Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha Dowladda Jubbaland.
Wasiirrada ayaa safar shaqo ku yimid Degmada Doolow si ay ugu kuurgalaan xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanada hoos yimaada degmada, isla markaana ay u kormeeraan mashaariicda horumarineed ee ka socda halkaan.
Kulanka ayaa waxaa ku wehlinayay Gudoomiyaha, Mareeyaha Garoonka Diyaaradaha, Gudoomiyaha Geedweyne, isuduwaha wasaaradda Gargarka ee Gobalka Gedo, isuduwaha wasaaradda deegaanka Jubbaland ee Gobalka Gedo, Agaasimaha protocol-ka xafiiska Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland iyo Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Degmada Dollow.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






