Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland oo Daahfurtay Mashruuc lagu Horumarinayo Kalluumaysiga

0
185
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta qabatay munaasabad lagu daahfurayay Mashruuca Barwaaqada Buluugga, kaas oo ay maalgelinayso Dowladda Jarmalka (GIZ) waxaana fulin doonta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Jubbaland.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Jubbaland, Mudane Axmed Xasan Cumar, iyo masuuliyiin kale.
Ujeeddada mashruucan ayaa ah in la xoojiyo kalluumaysatada yaryar ee degmada Kismaayo, si kor loogu qaado kobaca dhaqaalaha, abuurista shaqooyin, sare u qaadidda sugnaanta cuntada, iyo horumarinta adkaysiga la qabsiga isbeddelka cimilada.
Sidoo kale, Mashruuca Barwaaqada Buluugga ah wuxuu diiradda saari doonaa tayeynta kalluumaysatada iyo iskaashatooyinkooda, hagaajinta hababka wax-soo-saarka kadib iyo kaabayaasha qaboojinta, xoojinta silsiladaha qiimaha iyo helitaanka suuqyada, horumarinta hab-dhaqannada kalluumaysiga waara ee u adkaysta cimilada, iyo taageeridda maamulka deegaanka iyo hab-nololeedyada bulshada.