
Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa kulan la yeeshay Madax ka socotay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).
Madaxweynaha iyo xubnaha ka socaday xafiska qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa Nabada iyo wax u qabashada dadka ku barakacay colaadaha degmada luuq ee beelaha walaalah ah ku dhexmaray halkaasi.
sidoo kale shirka ayaa looga hadlay dar-dargalin iyo wada shaqeeynta ka dhaxeeysa Dowladda Jubaland iyo xafiska qaramada midoobey ee Soomaaliya ee arrimaha siyaasadda iyo guud ahaan xaaladda dalka.
Shirka muhiimka ayaa waxaa Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ku waheliyay qaar ka mid ah Golaha wasiirada oo ay ka mid yihiin Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha fadaraalka iyo dib u heshiisiinta Jubbaland.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







