Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland oo Kismaayo ka Daahfurtay Aqoon-kororsi ku Saabsan Maamul-daadejin

0
246
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Jubbaland ayaa  si rasmi ah magaalada Kismaayo uga daahfurtay aqoon-kororsi ku saabsan Siyaasadda Maamul-daadejinta ee Dowladda Jubbaland, kaas oo loogu talagalay maamulada degmooyinka iyo shaqaalahooda.
Munaasabadda furitaanka aqoon-kororsigan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Jubbaland, oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada ahna Xoghayaha Dowladda Hoose, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Kismaayo, iyo hawlwadeennada Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo.
Aqoon-kororsigan oo socon doona muddada saddex (3) maalmood ah, ayaa diiradda lagu saari doonaa fahamka Siyaasadda Maamul-daadejinta, doorka iyo waajibaadka maamulada degmooyinka, habraacyada maamulka, iyo sidii loo xoojin lahaa awoodda dowladaha hoose si ay u gaarsiiyaan adeegyo hufan, tayo leh, isla markaana ku saleysan baahiyaha bulshada.
Intii uu socday furitaanka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, Mudane Cabdiwaxiid Maxamed Dhaqane, ayaa sheegay in aqoon-kororsigan uu yahay mid muhiim u ah hirgelinta qorshaha maamul-daadejinta ee Dowladda Jubbaland,