Maxamuud Cali Muuse oo 19 sano ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda Jubbaland ee ku sugan Degmada Baardheere.

0
250

Maxamuud Cali Muuse oo muddo dhan 19 sano ka tirsanaa  maleshiyaadka khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee ku sugan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Is-dhiibistiisa ayaa muujinaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid awoodda iyo niyadda maleeshiyaadka khawaarijta, kuwaas oo wajahaya cadaadis militari iyo mid amni oo joogto ah.

Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa si isa soo taraysa u kordhay maleeshiyaadka ka tirsan khawaarijta ee isku soo dhiibaya Ciidamada Dowladda Jubbaland, kaddib markii ay u adkeysan waayeen howlgallada joogtada ah, dagaalka culus iyo baacsiga ballaaran ee ciidamada amniga ka wadaan guud ahaan deegaannada Jubbaland.

Mas’uuliyiinta amniga Jubbaland ayaa xaqiijiyay in howlgallada ka dhanka ah khawaarijta ay sii socon doonaan ilaa laga ciribtiro guud ahaan deegaannada Jubbaland, iyagoo ku boorriyay xubnaha weli ku harsan inay fursad u helaan is-dhiibid iyo badbaadin naftooda.