Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo furtay shirka billaha ah ee xoojinta iskaashiga hay’adaha bahwadaagta ah”

0
213
Kusimaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Jubaland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim, ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka billaha ah ee lagu xoojinayo isku xirka howlaha u dhexeeya Wasaaradda iyo hay’adaha bahwadaagta la ah.
Shirka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda, waxaa ka qeyb galay qaar kamid ah saraakiisha Wasaaradda iyo wakiillo ka socday hay’adaha bahwadaagta la ah Wasaaradda Caafimaadka Jubaland.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo kordhinta taageerada adeegyada caafimaad ee laga fuliyo Jubaland, horumarinta iyo dhameystirka adeegyada caafimaadka, dabagalka iyo jawaab-celinta cudurrada faafa, iyo is-weydaarsiga xogaha caafimaad.