
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubbaland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Dhiriq) oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland iyo howlwadeeno ka tirsan wasaaradda, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda FAO ee Soomaaliya.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa in laga wada hadlo xaaladda abaaraha ee saameynta weyn ku yeeshay dadka xoola dhaqatada iyo beeraleyda reer Jubbaland, gaar ahaan dadka nugul iyo barakacayaasha.
Wasaaraddu ayaa kulanka ku soo bandhigtay xogtii ugu dambeysay ee la xiriirta xaaladda abaarta, heerka ay gaartay, iyo baahiyaha degdegga ah ee jira.
Kulanka kadib, Wasiirka iyo waftiga Hay’adda FAO ayaa kormeer ku tagay kaamamka barakacayaasha ee ku yaalla xaafadda Dalxiiska gudaha magaalada Kismaayo, halkaas oo ay indhahoodu kusoo arkeen xaaladda nololeed ee qoysas dhowaan abaaro darteed ugu barakacay kaamamkaasi.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







