Dowladda Jubbaland oo si cad u beenisay ku lug lahaanshaha dib-u-eegista Dastuurka ee sharci-darrada ah

0
191

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Jubaland waxay si
cad u beenineysaa war-saxaafadeedka ay  soo saartay Wasaaradda
Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,
kaas oo lagu sheegay in Dowladda Jubbaland ay qayb ka tahay geeddi socodka dib-
u-eegista Dastuurka sharci daradadda ah, ee aan heshiiska lagu aheyn ee ay
hormuudka kayihiin Madaxda Dowladda Federaaalka Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay caddeyneysaa in Dowladda Jubaland, markii ay u caddaatay in
DFS ay ku fashilantay gudashada masuuliyadda ka saaran ilaalinta Dascuurka, ku-
dhaqanka xeerarka dalka, isla markaana ay caadeysatay dhaqan aan
waafaqsanayn mabaadiida dastuuriga ah, ay si rasmi ah u go’aansatay in aanay ka
mid noqon, kana qayb qaadan geeddi-socod wax ka beddel Dastuur ah, oo aan
heshiis lagu ahayn, aana ku dhisnayn hannaan sharci ah, isla markaana khatar ku
ah midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Jubaland waxay
mar ka!e adkeyneysaa in dib-u-eegista Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya ay u baahan tahay in loo maro hannaan sharci ah oo aan juujuub ku
dhisnayn, leh hufnaan, ka-qaybgal buuxa, iyo wadar-oggol dhammaan Dowladaha
Xubinta ah ka Dowladda Federaalka, si waafaqsan Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah
ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidaas darteed, sheegashada ah in Dowladda Jubaland ay qayb ka ahayd geeddi
socod baal-marsan sharciga waa mid sharci ahaan baadil ah, xaqiiqo ahaan aan sal
lahayn, isla markaana aan wax saameyn sharci ah ku yeelan karin ama waxba ka
beddeli karin mowqifka rasmiga ah ee Dowladda Jubaland.