Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlada Jubbaland oo xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Madaxa Hay’adda FAO ee Soomaaliya.

0
197
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Jubbaland, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, oo ay wehliyeen Wasiirka Wasaaradda Beeraha Jubbaland, Geele Aadan Maxamed, iyo Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Jubbaland, Caydiid Saleeban Xaashi ayaa  Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay wafti ka socday Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO).
Intii uu shirku socday, dhinacyadu waxay si qoto dheer uga wada hadleen mashaariicda kala duwan ee ay FAO ka fuliso deegaannada Jubbaland, gaar ahaan kuwa la xiriira horumarinta beeraha, sugnaanta cunnada, iyo la qabsiga isbeddelka cimillada.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa uga mahadceliyay masuuliyiinta Hay’adda FAO dadaallada iyo mashaariicda muhiimka ah ee ay ka fulinayaan deegaannada Dowladda Jubbaland, isagoo xusay doorka ay ka qaadanayaan horumarinta nolol-maalmeedka bulshada.