Ciidamada Geesiyada Jubbaland oo jab culus gaarsiiyey Khawaarijta kuna dilay tiro badan deegaanka Kudhaa

0
253

Ciidamada geesiyaasha ah ee Dowladda Jubbaland, kuwaas oo fadhigoodu yahay deegaan xeebeedka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa saaka si geesinimo leh u fashiliyey weerar fulaynimo ah oo ay Khawaarijtu damacsanaayeen inay ku arbusheeyaan bar-koontarool oo ay bannaanka deegaanka ku lahaayeen ciidamada Dowladda Jubbaland.
Halyeeyada Jubbaland ayaa jab culus gaarsiiyey Khawaarijtii weerarka soo qaaday deegaanka Kudhaa, waxaana u suurta gashay ciidamada inay si buuxda u jebiyaan argagixisada.
24 ka mid ah Khawaarijtii weerarka soo qaaday ayaa lagu dilay dagaalka, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiishii hoggaaminaysay howlgalkan.
Geesiyada Jubbaland ayaa haatan ku raad-jooga firxadka nabad-diidka Khawaarijta ah.
Xaaladda guud ee deegaanka Kudhaa ayaa iminka deggen, kaddib markii ciidamada Dowladda Jubbaland ay si weyn u sugeen amniga, bulshada deegaankuna ay nolol maalmeedkoodii si caadi ah u wataan.
Ciidamada ayaa si buuxda gacanta ugu haya deegaanka Kudhaa iyo dhammaan deegaanada kale ee hoos yimaada.