Madaxweynaha dowlada Jubbaland oo saxiixay xeerar muhiim ah

0
258
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa  si rasmi ah u saxiixay saddex xeer oo muhiim ah, kuwaas oo horay ay u soo ansixiyeen Golaha Wasiirrada iyo Golaha Baarlamaanka Dowladda Jubaland, kuwaas oo kala ah.
1. Xeerka Wax ka Beddelka iyo Kaabista Xeerka Maareynta Dhulka ee Magaalooyinka, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Howlaha Guud, Guriyeynta iyo Dib u Dhiska.
2. Xeerka Nabad-galyada Guud ee Wadooyinka Dowladda Jubaland, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
3. Xeerka Xirfadlayaasha Caafimaadka Dowladda Jubaland, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.